Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa La-taliyaha Amniga Qaranka u magacaabay Xuseen Macallin Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xuseen Macallin Maxamuud uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka.
Xuseen Macalin Maxamuud ayaa horey u soo noqday La taliyihii Amniga ee Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xuseen Macalin Maxamuud ayaa bedelaya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo tan iyo bishii September ku magacawnaa La-taliyaha Amniga Qaranka.
Haddaba waa Kumaa Xuseen Macallin Maxamuud?
Xuseen waxuu heystaa shahaadada Bachelor ee Taariikhda iyo shahaadada Master-ka ee Arrimaha Amniga iyo Sirdoonka.
Xuseen waa shaqsi si istraatejiyad leh u fikira, waxuuna qoray Istraatejiyada La dagaalanka Argagaxisada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxuu qoray Istraatejiyada iyo siyaasada dalka ee dib-u-heshiisiinta iyo cafiska loo fidiyo Al-Shabaab.
Xuseen waxuu hormuud ka ahaa abuurista Xarunta Warbixinta Maaliyada ee Financial Reporting Center (FRC).
Xafiiska Madaxtooyada ka hor Xuseen wuxuu muddo 4 sano ka badan ahaa Agaasimaha Waaxda Amniga Dibadda ee Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka (NISA