Home Wararka Maanta Waa kuma Kornayl Maxamed Al Mansouri? Sarkaalkii ugu sarreeyey Iimaaraadka ee lagu...

Waa kuma Kornayl Maxamed Al Mansouri? Sarkaalkii ugu sarreeyey Iimaaraadka ee lagu dilay weerarkii Muqdisho

0

Sida uu BBC-da u sheegay khabiir amaan iyo Sirdoon oo magaciisa diiday in la shaaciyo ayaa xusay in Kornayl Maxamed Al-Mansouri uu ahaa ninka ugu sarreeya qorshaha Iimaaraadka ee Soomaaliya, isagoo Sida uu xusay Soomaaliya loo soo diray bilowgii muddo xileedka xilligan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sarkaalkan ayaa sheegay in Al Mansouri, uu ka mid ahaa Sirdoonka ciidanka Militariga ee Dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, uuna yahay nin awood u leh fulinta, qorshaynta iyo dhaqan galinta qorshayaasha Iimaaradka ee Soomaaliya kaasoo leh awood gaar ah.

“Wuxuu leeyahay awood dhaafsan Askari darajo leh, Darajadiisa sida ka muuqata Warranta Officer 1 kaas oo ah qof loo xilsaaray shaqo cayiman, darajadaas cida qabta waa saraakiisha gaarta darajada ciidan ee Gaashaanle dhexe ilaa gaashaanle sare, wuxuu leeyahay awood fulineed oo leh mid farsamo iyo mid xeelad labadaba” ayuu BBC u sheegay Sarkaalkan.

Wuxuu intaa ku daray in xogta uu hayo ay tahay in sidoo kale Maxamed Al Mansouri uu booqday xarunta ciidanka PMPF ee Puntland oo xaruntoodu ku taal magaalada Boosaso iyo meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya.

Mursal Maxamuud Saney, Agaasimaha Machadka Herritage ayaa BBC u sheegay in waxa dhacay ay muujinayso inuu jiro dayac weyn oo amni oo u baahan in lagula xisaabtamo ciddii mas’uuliyadda lahayd, ha noqdeen Soomaali ama Iimaaraatiyiin, waa in la sameeyaa isla xisaabtan dhab ah.

Wuxuu su’aal galiyey sida dhacdadu u dhacday isagoo xusay in tani u baahan tahay in baaritaan xoog leh laga sameeyo.

“Su’aasha xusidda mudan waxaa weeye, waxaa la is dhexgaliyey askar hubaysan iyo sarkaal noocaas oo aan soomali ahayn oo heerkaa ku fadhiya iyo dable askari oo hubaysan oo wata qori inay is dhexgalaan oo ay fursad isku helaan waa su’aal u baahan in wax badan layska waydiiyo, ninkan ninkii xerada haystay mahaa” ayuu intaas ku daray.

“Waxaa muuqata in hadda kiisku adag yahay, sababtoo ah ninki dilka gaystay waa la dilay isagana, laakin qiimo kasta oo ay ku kacdo waxay ahayd in la qabto, taasoo ka fiicnaan lahayd in la dilo” ayuu BBC u sheegay Sarkaalkan.

Ad
Previous articleShariif, Kheyre iyo CC oo ku eedeeyey Xasan kali-talisnimo iyo xaraashka hanti-guud
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo 60 sano ah ka dib ka doodaya Dhammeystirka Dastuurka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here