Home Wararka Maanta Waa imissa Qiimaha Lagu Tagaayo Xajka Sanadkaan?

Waa imissa Qiimaha Lagu Tagaayo Xajka Sanadkaan?

0

Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saartay qoraal ku saabsan  qiimaha ay ku xajin doonaan xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 2024.

Qoraalkan oo ku socday Shirkadaha fuliya adeegga xajka ayaa lagu wargaliyay in qiimaha xajka ee sanadkaan uu noqon doono 4430 dollarka Mareykanka qofkiiba

Qoraalkaan ayaa soo baxay kadib markii guddi khubarro ah oo loo xilsaaray arrimaha xajka ay muddo laba bilood ah ku soo diyaariyeen qiimaha suurtagalka ah ee ku bixi kara xujeyda Soomaaliyeed ee doonaya in ay ugu safraan Dalka Sacuudiga carabiya si ay u soo gutaan cibaada xajka.

Qiimahan ayaa wax yar ka hooseeya qiimahii xajka ee sanadkii hore inkastoo dad badan ay qabaan inuu weli yahay mid aad u sareeya marka la eego dalalka kale ee la midka ah Somalia sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya Miyay hawada Ka Celisay Diyaarad kale oo laga Leeyahay?
Next articleCiidanka Israel oo duqeyn ay dad ku dhinteen ka geystay Konfurta Lubnaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here