Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya Miyay hawada Ka Celisay Diyaarad kale oo laga Leeyahay?

Dowlada Soomaaliya Miyay hawada Ka Celisay Diyaarad kale oo laga Leeyahay?

0

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn la iskula dhex marayay baraha bulshada in dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay celisay diyaarada nooca gargaarka caafimaadka ah (Air Ambulance).

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ka hadashay arrintaan ayaa meesha ka saartay dhab ahaanshaha warkaan, ayada oo sheegtay in aysan jirin diyaarad gargaarka caafimaadka oo usoo dirsatay codsi, si ay uga degto garoommada dalka.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxay u caddeynaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inaysan jirin diyaarad nooca gargaarka caafimaadka (Air Ambulance) oo wax codsi ah usoo dirtay si ay uga degto garoommada dalka,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay hay’adda.

“Sidoo kale ma jirto diyaarad nooca gargaarka caafimaadka (Air Ambulance) oo laga celiyay hawada Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.

Hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa xilligaan awood u leh inay hawada ka celin karto diyaaradii ay rabto, xilli dhawaan ay dalka ka celisay diyaarad u diiwaan-gashaneyd Ethiopian Airlines, balse aan wax rusqad ah ama fasax u haysan hawadeena, taasi oo rabtay inay ka degto garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Sidoo kale 18-kii bishaan ayey dowladda federaalka ay mar kale hawada dalka ka celisay diyaarad ka diiwaan-gashaneyd dalka Thailand, islamarkaana ku socotay dhinaca magaalada Hargeysa ee caasimada  Somaliland.

Diyaaradaasi oo aheyd Cargo registration P4-JAG P4-JAG ayaa xilligaas la celinayay kasoo duushay magaalada Sharjah ee dalka Imaaraadka, ayada oo ku socotay Hargeysa, kadib markii ay ku guul-daraysatay inay bixiso macluumaadka Cargo ay wado, taasna ay keentay shaki, kadibna sidaas loogu diiday inay soo gasho hawada.

Si kastaba, Hawada Soomaaliya ayaa waxaa laga maamulka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliyeed, tan iyo markii ay Soomaaliya ku guuleysatay in ay si rasmi ah ula soo wareegto gacan ku haynta maamulka hawada dalka.
Ad
Previous articleWararkii u dambeeyey dadaalada xabad joojinta looga hirgelinayo dagaalka Gaza
Next articleWaa imissa Qiimaha Lagu Tagaayo Xajka Sanadkaan?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here