Home Wararka Maanta Villa Soomaaliya oo Shaacisay Sababta Xasan Shiikh u aaday Garowe

Villa Soomaaliya oo Shaacisay Sababta Xasan Shiikh u aaday Garowe

0

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la socdo oo aad u kooban ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland, iyadoo kadib loo galbiyey qasriga madaxtooyada.

Villa Somalia ayaa shaacisay in ujeedka safarka madaxweynaha oo yahay u kuur-galidda xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, dardargelinta dib-u-heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed iyo dhageysiga talooyinka la xiriira dowladnimada ee ay qabaan bulshada Puntland, taas oo aas-aas u ah hiigsiga Madaxweynaha ee Soomaali Heshiis ah.

Madaxweyne Xasan ayaa kulammo la qaadanaya Madaxda Dowlad-goboleedka Puntland, waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dul istaago xaaladda bulshada Puntland, baahiyaha ay qabaan, doorkooda horumarineed ee dalka iyo hirgelinta dowladnimada.

Dhinaca kale, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa Xasan Sheekh ka shaqeynayo isu soo dhowaanshaha dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, ayada oo la rumeysan yahay in madaxweyne Saciid Deni aanu qanacsaneyn wixii ka dambeeyey markii Xasan Sheekh dib loo doortay.

 

 

Ad
Previous articleAbiya Axmed o Toos Faraha Ulasoo Galay Arimaha Soomaaliya xili uu la Xaajoonaayo Maamulada Soomaaliya
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo Maanta doortay Guddiga dib u EEGISTA Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here