Home Wararka Somaliya Villa Soomaaliya oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Diyaaradihi Droneska ee lasheegay...

Villa Soomaaliya oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Diyaaradihi Droneska ee lasheegay in Turkigu Siiyay

0

Madaxtooyada Somaliya ayaa beenisay warka sheegaya inay dalka Turkiga ka heshay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalkaasi farsameeyo.

Horaantii bishan ayuu soo baxay warka sheegaya in Dowladda Turkiga ay Dowladda Federaalka ugu deeqday tiro ka mida diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn.

Shirkadda dalka Turkiga laga leeyahay ee Bayraktar ayaa farsameysa drones-ka uu nooceedu yahay TB2, taa oo aad uga tayo wanaagsan diyaaradaha drones-ka ee wadamada horumaray qaarkood farsameeyan, waxaana loo adeegsadaa hawlgalada militari iyo howlaha basaasnimada la xiriira.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa meesha ka saaray warka sheegaya in Turkiga uu Dowladda Federaalka siiyay diyaaradahaasi.

“Xogtaas u malayn mayo in aad ka hesaan ilo rasmi ah, waxaana qurux badan ilo rasmi ah inaad wararka ka heshaan, laakiin aniga waxaan kuu xaqiijinayaa iskaashiga amni ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Somaliya inuu yahay mid runtii la mahdiyay, muddo qurux badana shaqeynaya.” Ayuu yiri Agaasimaha oo BBC la hadlay.

Agaasimaha ayaa yiri “Labada dowladood ayaa dhinaca amniga iyo militariga iska kaashada, qolaba wixii ay heshiis ku gasho iyo wixii caqabado horyaala ayay iska kaashadaan. Marka anaga dhinacaynu wuxuu ku saleysan yahay dib u habayn lagu sameeyo Ciidanka Somaliya, dib u habaynta waxaan ugala jeedaa dib u qaabayn lagu sameeyo ciidankayna, taas oo tababaradu ay ugu xoogan yihiin. Waxa kaloo iyadana muhiim ah la dagaalanka argagixisada Geeska Afrika ka jira, gaar ahaan Somaliya oo Turkiga ay naga gacan siiyaan, si walba oo lagula dagaalami karo argagixisadaasi, dariiq walba oo la isaga caabin karo iyo wax walba oo noo suuragelinaya inaan ku caabino oo dalka meelaha yar ay kaga harayn aan kaga saarno Al Shabaab, waan u kaashanaynaa dowladaha caalamka oo Turkigu uu ugu horeeyo.”

Su’aal ahayd ma xaqiijinaysaan warkaasi ah in Turkigu hub ay ka mid tahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu idin siiyay oo la weydiiyay ayaa ku jawaabay “Maya, anigu kuu xaqiijin mayo taas, warkaasna ma jiro, xaqiiqdana xilligan meesha uu marayo dib u qaabaynta ciidankayna, si fiican baad ula socotaan.”

Turkiga ayaa lagu tilmaamaa saaxiibka ugu weyn ee ay maanta Somaliya leedahay, iyadoona uu ka caawiyo dib u dhiska ciidamada, tayayntooda iyo weliba kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Ad
Previous articleDhalinyaro Soomaalia ah oo Saarnaa Diyaarada Turkish airline oo Weeraray Shaqaalaha Diyaarada iyo Qasaaro Kad hashay
Next articleAfar xildhibaan oo Maanta lagu dooraty Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here