Home Wararka Maanta Villa Soomaaliya oo Guul Daro Wayn kala Kulantay kala Qaybinta Gudiga...

Villa Soomaaliya oo Guul Daro Wayn kala Kulantay kala Qaybinta Gudiga Doorashooyinka oo ilaa Shalay ku Howlanayd

0

Waxaa guul darreestay dadaalo badan oo ay Villa Somalia xalay ku bixisay in xubno katirsan guddiga FEIT ee doorashooyinka Qaranka ay kaga soo horjeestaan go’aankii guddoomiyaha guddiga Muuse Geelle ku baabi’iyay natiijada 3 kursi oo uu ku jiro kursiga Fahad Yaasiin ee Hop86, sida ay ii xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Xubnaha guddiga ee lala shiray ayaa sheegay in aysan awoodin ka hadalka arrintaan sababo la xariira culeesyo uga imaan kara go’aankii ay qaataan iyadoo la ogyahay in sidaan oo kale ay xubinimadii ku waayeen 7 qof oo katirsan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee guddiga FEIT Maxamed Xasan Cirro oo katirsanaa xubnihii laga codsaday in ay diidaan go’aanka guddoomiyaha ayaa noqday qofka kaliya ee fuliyay codsiga saraakiishii Villa Somalia ka socotay isagoo qoraal uu soo dhigay Facebook ku sheegay in qol lagu xirtay guddoomiyaha guddiga.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal Muuse Geelle ayaa shalay sheegay in aysan aqoonsaneen doorashooyinka kuraasta kala ah Hop86, Hop103 iyo Hop154.

Ad
Previous articleSarkaal sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab iyo 60 kale oo la Dilay(Sawiro)
Next articleRuushaka oo Cunuqabatayntii Ugu Horaysay oo Lagu Soo Rogay Xili uu kaabiga Ku haaya Ukrain

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here