Home Wararka Somaliya uganda oo shaacisay in Laga Hortagay Rag Qaraxyo ku weerari lahaa Shariir...

uganda oo shaacisay in Laga Hortagay Rag Qaraxyo ku weerari lahaa Shariir Sh Axmed iyo Madax kale

0

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveini ayaa sheegay in la qabtay nin qorsheynayay inuu isku qarxiyo aaska ku xigeenkii taliyaha booliska Uganda Lokech oo ku dhintey magaalada Kambala.

Ninka oo lagu qabtay degmada Pader ee ku taalla waqooyiga wadanka Uganda ayaa doonayay inuu weeraro goobta ay ka dhaceysay munaasabadda aaska taasoo ay ka qayb galeen madax sar sare.

Ninka la qabtay waxa uu watay qalab laga sameeyo bambooyinka oo uu ka mid ahaa garanka la isku qarxiyo iyo qalab kale oo qarxisooyin ah,waxana uu ka mid ahaa fallaago la dagaalanta dowlada Uganda oo saldhigyo ku leh dalka Congo.

Madaxda ka qeybgalaysay aaska Janaraal Paul Lokech oo ka soo shaqeeyay dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan dalka Uganda.

Intii uu Soomaaliya ku sugnaa mar waxa uu ahaa taliyaha ciidamada Uganda ee gacanta ku hayay amniga xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Paul Lokech waxa uu kaalin muhiim ah kasoo qaatay dagaalkii ay ciidamada AMISOM la galeen xoogagga al-Shabaab ee Soomaaliya.

Howlgallo badan oo uu fuliyay kaddib, waxaa Uganda iyo Soomaaliyaba looga naaneysi jiray “Libaaxii Muqdisho”.

 

Ad
Previous articleGalmudug oo ka hadashey Wararka Sheegaya in Deegaano ay ka Baxeen kadib Shabaab Qabsadeen
Next articleAMISOM oo shir Xasaasi ah ka yeelatay Amniga Doorashada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here