Home Wararka Maanta Galmudug oo ka hadashey Wararka Sheegaya in Deegaano ay ka Baxeen kadib...

Galmudug oo ka hadashey Wararka Sheegaya in Deegaano ay ka Baxeen kadib Shabaab Qabsadeen

0

Wasiirka warfaafinta Maamulka Galmudg Axmed Shire Falagle ayaa beeniyay in ciidamada Xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug ay isaga baxeen furumihii dagaalka ee Koonfurta gobolka Mudug.

Wasiir Falagle ayaa sheegay in ciidamada xoogga aysan ka bixin deegaanada Camaara, Bacadweyn, Shabeelow iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Mudug, ayna wararkaas yihiin been abuur.

Meelaha qaar waa laga yaabaa in xeelad dagaal awgeed ay ciidamadu dib uga gurtaan, balse ma jirto degaano la baxay oo ay Al-shabaab dib u qabsatay” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Xoogga iyo daraawiishta Galmudug ayaa gabi ahaanba isaga baxeen degaanada ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug, sida Bacaadweyn, Camaara iyo meelo halkaasoo mudooyinkan dagaalo culus ay ku dhexmarayeen ciidamada xoogga iyo Al-Shabaab.

Ad
Previous articleAskar Mareykan ah iyo Shacab Reer Afghanistan oo lagu laayay Qarax ka dhacay Kaabul
Next articleuganda oo shaacisay in Laga Hortagay Rag Qaraxyo ku weerari lahaa Shariir Sh Axmed iyo Madax kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here