Home Wararka Maanta Tuugadii ugu caqliga liidatay ee isku dayay in ay dhac gaystaan oo...

Tuugadii ugu caqliga liidatay ee isku dayay in ay dhac gaystaan oo Qaab Cajiib ah Gacanta Loogu Dhigay

0

Sanado ka hor, burcad hubaysan ayaa galay dukaan, mulkiilihii ayaana ka dalbaday in ay soo laabtaan marka uu lacag inta uu markaas hayay ka badan uu helo, sidii ayayna yeeleen…

Waxay u muuqataa in ay kaftan tahay, balse mulkiilaha dukaan ku yaalla Biljamka ayay arrintaas si run ah ugu dhacday.

Lix ruux oo raba in ay dhacaan dukaanka Didier ayaa maalin cad u soo galay.

Qofkii dukaanka gadayay ayaase u sheegay in ay soo noqdaan casar gaaban, si ay u helaan lacag inta uu markaas hayay ka badan. Balse taas badalkeeda markii dambe in la xiro ayuu ka shaqeeyay.

“Sidii maadays oo kale ayay ahayd,” ayuu yiri isagoo u warramayay BBC-da oo taleefan kula hadashay. Waxaana loogu yeeray tuugadii ugu qaabkadarnayd ee dalka Biljamka.”

Ninka dukaanka leh ayaa sheegay inuu isku dayay in uu la saaxiibo tuugta 14 daqiiqana ay dukaankiisa ku sugnaayeen.

“Isjiidjiid ayay hawshu ku billaabatay balse waxba ma siinin, waxaana ku qanciyay in aan galinka dambe siin doono 2 ilaa 3,000 oo lacagta Yuuroo-da ah.

Nimankii ayaa rumaystay sidaasna ku tagay.

“Markii aan booliska u sheegay, ma aysan rumaysanin in ay soo noqon doonaan.”

Balse saacaddu markii ay ahayd 05:30 galabnimo ayay soo laabteen, saacad ka hor markii dukaanka la xiri lahaa. Didier ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inuu arkay mid ka mid ah burcaddii oo albaabka taagan uuna ku wargaliyay in wakhtigii rawaxaadda aan la gaarin.

Markii ay 06:30 galabnimo soo laabteen markii saddexaad booliiska ayaa dhanka dambe ee dukaanka ku sugayay si ay u qabtaan.

Wiil yar iyo afar nin ayaana sidaas gacanta loogu dhigay.

Ad
Previous articleMaamulka Jubbaland oo kasoo horjeestay in ciidamada ATMIS laga saaro gudaha waddanka Soomaaliya
Next articleCabdinaasir Cabdullaahi Maxamed oo loo magacaabay Booskii uu Saabey Ka Baxsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here