Home Wararka Maanta Cabdinaasir Cabdullaahi Maxamed oo loo magacaabay Booskii uu Saabey Ka Baxsaday

Cabdinaasir Cabdullaahi Maxamed oo loo magacaabay Booskii uu Saabey Ka Baxsaday

0

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo fulinaya amar Madaxweyne, ayaa u magacaabay Cabdinaasir Cabdullaahi Maxamed in uu noqdo Kusimaha Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Berriga ee wasaaradda Maaliyada, halka Kuxigeen Kusime ahna loogu magacaabay Khalid Bile Bariise.

Muxuyadiin Xasan Saabey, ayaa jagadan Agaasimaha waaxda Canshuuraha berriga hayay mudo dheer, balse dawladda ayaa ku eedeysay musuqmaasuq, laakiin isaga ayaa diiday eeda dawladda kuna sifeeyey mid laga leeyahay ujeedooyin kale.

Maaha xilkii, koowaad ee qof lagu eedeeyey musuqmaasuq, laga qaato haddana cid kale loo magacaabay maalmo gudahood, iyadoo aan maxkamad kuhelin dambiga xubnaha shaqada hayay.

Ad
Previous articleTuugadii ugu caqliga liidatay ee isku dayay in ay dhac gaystaan oo Qaab Cajiib ah Gacanta Loogu Dhigay
Next articleBaarlamaanka Carabta oo war kasoo saaray masaajidkii ay gubeen Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here