Home Wararka Maanta Turkiga iyo Ruushka oo isku khilaafay magaaladii ay manaxayaasha guutada Soomaalida qabteen

Turkiga iyo Ruushka oo isku khilaafay magaaladii ay manaxayaasha guutada Soomaalida qabteen

0

Ruushka ayaa ka falceliyay tallaabada madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo shan ka mid ah taliyeyaashii hore ee Turkiga lagu hayay ku soo celiyay Ukraine.

Isaga oo ka soo laabtay socdaalkiisii Turkiga Sabtidii, Zelensky waxa uu horay u soo kaxaystay shan taliye oo hoggaaminayay dagaalkii sanadkii hore, kuwaas oo magaalada Mariupol difaacayay saddex bilood.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Turkiga uu jabiyay heshiiskan, wuxuuna yiri “ma jirto cid na soo ogeysiisay arrintan”, sida uu heshiiska dhigayo dadkan waa inay sii joogaan Turkiga.

Peskov ayaa ku andacoodey in soo laabashada taliyaasha ay la xiriirto “guul-darrida weerarka ka dhanka ah” Ukraine.

Isla mar ahaantaana, wuxuu sheegay in Ankara ay rabto inay muujiso “midnimo” sababtoo ah shirwaynaha NATO ee la qaban doono usbuucan, isagoo ku andacoonaya in “cadaadis weyn” uu ku hayo Turkiga.

Zelenskiy, ayaa dhanka kale, sawirkii uu shalay la wadaagay baraha bulshada ku yiri, “Waxaan ka soo laabaneynaa dalka Turkiga, waxaana nala soo wadaa geesiyaashayada”.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ka dib markii uu Zelenskiy kula kulmay Istanbul, wuxuu shaaca ka qaaday in “Ukraine ay u qalanto xubinnimada NATO”.

Erdogan ayaa sidoo kale muujiyay in Putin la filayo inuu booqdo Turkiga bisha soo socota, isagoo intaa ku daray inay doonayaan inay wada xaajood ka sameeyaan maxaabiis is dhaafsiga.

Kumanaan kun ayaa naftooda ku waayey dagaalkaas Mariupol, oo ah magaaladii ugu weyneyd oo ku taal Ukraine ee uu Ruushka qabsado.

Ka dib dhowr bilood oo go’doomin ah, Ruushku wuxuu qabsaday magaalada Mariupol bishii Abriil ee sannadkii hore.

Ruushka ayaa sii daayay qaar ka mid ah taliyayaasha kadib heshiiskii maxaabiista ee uu Turkigu dhexdhexaadiyay bishii Sebtembar, waxaana la go’aamiyay in taliyayaashan ay sii joogaan Turkiga ilaa dhammaadka dagaalka.

Dagaalka uu Ruuhska ku qabsaday waxaa kaalin weyn ka qaatay guutada loo garan og yahay “Somalia Battalion” ee dalka Ukraine, balse Ruushka la safan.

Telefishinka Ruptly ee laga leeyahay Ruushka ayaa markaas ka mid ahaa warbaahintii ugu horreysay ee soo tebiyay in Guutada Soomaalida iyo ciidanka Ruushka oo is garabsanaya ay la wareegeen magaaladaas uu dagaalka culus ka socday tan iyo markii ay militeriga Ruushka weerarka ku qaadeen Ukraine.

Warbaahinnada kale ee caalamka qaarood, sida telefishinka Republic World, oo fadhigiisu yahay Hindiya, ayaa hadal hayay wararka ku saabsan Guutada Soomaalida ee ka dagaallantay Mariupol iyo nawaaxigeeda.

Maalmo kaddibna, cinwaannada warbaahinta waxaa qabsaday warka ku saabsan in guutadaas ay ka faro xalatay furimihii dagaalka ee Mariupol goobihii ay xoogaggeeda qabsadeenna ay ku wareejiyeen Militeriga Ruushka, iyaguna ay dib ugu laabteen halkii ay duullaanka kasoo qaadeen oo ahayd gobolka Donetsk.

Waxaa sidoo kale markaas la shaaciyay muuqaallo laga arkayo ciidamada “Somalia Battalion” iyo taangiyadooda oo si weyn loogu soo dhaweeyay Donetsk, iyagoo loo ruxayay ubaxyo iyo caleemo qoyan.

Ciidankan oo lagu naanayso “Ma naxayaasha” ayaa sidoo kale ka dagaallamaya furimaha hore ee gobolka Donbas oo ay isaga soo horjeedaan ciidamada dowladda Ukraine.

Waxaa guutadan lagu magacaabaa “Somali Battalion”, waa garab militeri oo ka tirsan jabhad ka dagaallanta gobolka Donestk ee bariga Ukraine.

Dhammaantood waa muwadiniin u dhashay Ukraine oo ma jira qof Soomaali ah oo ka tirsan, balse magacaas uun ayaa loo baxeen.

Waxaa horraan guutadan la oran jiray 1st Separate Tank Battalion Somalia, waxaa hoggaamin jiray taliye la oran jiray Mikhail Tolstykh, waxay isugu yeeraan kooxda ‘manaxayaasha ah.’

Waxaana hoggamiyahoodii Mikhail Tolstykh uu ku dhintay qarax sanadkii 2017 xilli uu ku sugnaa gobolka Donestk.

Ad
Previous articleMucaaradka Maantay la shiraaya Xasan Shiikh oo Xalay Shiray Maxay Kawada Hadleen?
Next articleWararkii U Danbeeyay Shirka Saaka Uga Furmayo Muqdisho iyo Madaxda Qaar oo Gaaray Halka Lagu Shiraayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here