Home Wararka Maanta Mucaaradka Maantay la shiraaya Xasan Shiikh oo Xalay Shiray Maxay Kawada Hadleen?

Mucaaradka Maantay la shiraaya Xasan Shiikh oo Xalay Shiray Maxay Kawada Hadleen?

0

Siyaasiyiinta mucaaradka cusub ayaa xalay kulan wada-tashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho kahor kulanka maanta ka furmaya caasimadda ee u dhaxeeya ayaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo muuqda inuu yahay hoggaanka aan la dooran ee mucaaradka cusub, ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook faah-faahin kooban uga bixiyey kulankii xalay

“Waxaa caawa isugu nimid kulan wadatashi ah oo looga arrinsanaayo shirka berrito ka dhici doona magaalada Muqdisho. Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweynaha DF Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gogosha fidiyey. Waxaan rajeyneneenaa in kulanku uu noqdo mid miradhal ah,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay; Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.

Villa Somalia ayaa shalay sheegtay in ujeedka madaxweyne Xasan ee shirkan uu yahay inuu madaxdii hore ee dalka la tashi kala sameeyo oo taladooda ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka.

Shirkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka maqan madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka cudur daartay ka qeyb-galka shirka.

Ad
Previous articleEng Zahra Cabdikariim oo Markii ugu Horaysay ka Hadashay Xarigii Dhawaan loo Gaystay Sir Badana Banaanka Soo Dhigtay
Next articleTurkiga iyo Ruushka oo isku khilaafay magaaladii ay manaxayaasha guutada Soomaalida qabteen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here