Turkey ayaa ugu digtay Moscow inay ka fogaato xiisad kale kadib markii markab xamuul ah oo laga leeyahay Turkiga ay weerareen ciidamada badda Ruushka toddobaadkii hore, waxaa sidaas Khamiistii sheegay xafiiska madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Markabka Sukru Okan ayaa sitay calanka Palau markii ay rasaas ku fureen ciidamada badda Ruushka Axaddii hore.
Militariga Ruushka ayaa kadib koray markabka si ay baaritaan ugu sameeyaan, kahor inta aanay u ogolaan inuu u shareecdo xeebta Izmail ee Ukraine, oo ah tan laga dhoofiyo dallaga ugu badan ee beeraha.
Turkey ayaa gacan ka gaysatay dhex-dhexaadinta heshiiskan oo ay taageereysay QM, ayada oo adeegsaneysa xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Moscow iyo Kyiv.
Hase yeeshee xafiiska madaxweyne Erdogan ayaa cambaareyn kala kulmay gudaha dalka sababo la xiriira inaanu waxba ka dhihin weerarka.
Xafiiska ayaa iska caabiyey dhalleeceynta Khamiistii, isaga oo ku dooday in farsamo ahayn ay aheyd in Palau ay ka jawaabto dhacdada.
“Xitaa haddii milkiilaha markabka Sukru Okan uu yahay Turkish, markabka ma ahan mid sita calanka Turkey,” ayey tiri madaxtooyada.
“Marka la eego sharciga caalamiga, ‘calanka dalka’ ayaa ka muhiimsan magaca iyo shaqsiyadda shaqaalaha.”