Home Wararka Maanta Trump oo Hakiyay Amar uu Soo Saaray Doorashadiisii Kadib

Trump oo Hakiyay Amar uu Soo Saaray Doorashadiisii Kadib

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hakiyay canshuur-kodhinti uu saaray badeecadaha ay Canada iyo Mexico u soo dhoofiyaan Mareykanka, canshuurtaas oo gaareysay 25%, taas oo abuurtay xiisad xooggan.

Go’aanka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid kaddib marki uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Mexico haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum iyo Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau.

Qoraal uu soo dhigay baraha ay ku xiriirto bulshada ayuu Trump ku sheegay, “in u uku faraxsanyahay natiijada horudhaca ah ee arrintan kasoo baxday, isla markaana muddo 30 maalin ah la hakiyay tacriifta si uu u arko in la gaari karo heshiis dhaqaale oo kama danbeys ah oo uu la galo Canada.

Ra’iisul wasaaraha Canada Trudeau ayaa isna dhankiisa sheegay, in Canada ay geyn doonto xadka ay la wadaagto Mareykanka ciidan iyo qalab cusub oo tiknolooji ah ah, si loo joojiyo qul qulka daroogada fentanyl.

Wuxuu sheegay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweyne Trump,” “Canshuurta lasoo jeediyay waxaa la hakiyay muddo 30 cisho ah, halka aan sii wadeyno wada shaqeynteenna.” Ayuu yiri.

Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum ayaa sheegtay in ay xadka Mexico uu la wadaago Mareykanka u direyso ilaa 10,000 oo askari oo ka tirsan millatariga, si ay u xakameeyaan daroogada nuuceeda dilaaga ah ee loo yaqaanno fentanyl, taas oo Mareykanka kasoo gasha dhanka Mexico.

Waxay intaasi ku dartay in madaxda labada waddan ay sii wadi doonaan wada hadalladooda ku aaddan dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga, isla markaana arrinta canshuurta muddo bil ah la hakinayo.

Inkasta oo la hakiyay tacriifti uu madaxweyne Trump saaray Mexico iyo Canada, haddana waxaanan wali waxba laga baddalin canshuurti uu saaray Trump badeecadaha uu Shiinaha u soo dhoofsho Mareykanka.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleAlshabaab oo Laga Saaray Deegaan Muhiim ah oo Ku Yaala Galmudug iyo Howlgal Ka Bilowday Galmudug
Next articleMaraykanka oo Hanjabaad layaableh oo Culus udiray Masar Hadii ay amarka Trump qaadan waayaan