Home Wararka Caalamka Toogasho kale Dad lagu laayay oo Markale Maraykanka Ka Dhacday(Sawiro)

Toogasho kale Dad lagu laayay oo Markale Maraykanka Ka Dhacday(Sawiro)

0

Sida ay booliska sheegeen Afar ruux ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday isbitaal ku yaalla magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ee dalka Mareykanka.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay ninka toogashada gaystay, oo ku hubaysnaa qori iyo bastoolad, uu isaga qudhiisa geeriyooday.

Wali lama shaacinin aqoonsiga qofka falkaas gaystay oo la rumaysan yahay inuu isaga qudhiisa isdilay. Sidoo kale, wax faahfaahin ah lagama hayo sababta horseedday falkan.

Taliye ku xigeenka booliska, Eric Dalgleish, oo ka hadlayay shir jaraa’id, ayaa yiri: “Waqti xaadirkan, afar qof oo rayid ah ayaa naga dhintay, hal nin oo toogashada gaystayna wuu dhintay.”

Ad
Previous articleMadaxweyne xasan Shiikh oo Dhuusamareeb soo Gaaray(Sawiro
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay ujeedka uu Dhuusamareeb u Yimid?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here