Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay ujeedka uu Dhuusamareeb u Yimid?

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay ujeedka uu Dhuusamareeb u Yimid?

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in socdaalkiisu u daaran yahay hirgelinta hal ku-dhigii ololihiisa doorashada ee “Soomaali Heshiis ah”.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in si looga adkaado cadowga, islamarkaana loo helo dowlad xoog leh oo Soomaaliyeed waa in madaxda iyo bulshada qalbiga isku xaarto oo isku furto.

“Soomaali heshiis ah waxay ka bilaabata meel walba dadka jooga inay heshiis yihiin Koonfur Galbeed ayaa fariintaas u gudbinay reer Galmudug-na fariintaas oo kale ayaa u gudbinayna,” ayuu yiri.

“Fariinta aan la nimid Galmudug waa fariin nabadeed oo dib u heshiisineed, waa fariin amni oo ah in cadowga la iska dhiciyo. Dunida lama heshiin karno haddii anaga dhexdeena heshiin, cadowga iskama dhicin karno haddii aan heshiin oo qalbiga aan ka heshiino.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyay in dowladda uu hogaaminayo ay muhiimad gaar ah siineyso Amniga guud ee dalka, si loo helo xasilooni nabadeed.

Xasan oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha dowladda federaalka, kadib doorashadii 15-kii May ayaa safarkan wuxuu noqonayaa kiisii ugu horreeyey ee uu ku gaaro Galmudug oo noqoneyso maamulkii labaad ee uu booqanayo Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Galmudug wuxuu u kuur-geli doona xaaladda Dhuusamareeb, wuxuuna booqan doonaa meelaha muhiimka ah ee magaalada oo ay dhowaan dagaallo ka dhaceen

Ad
Previous articleToogasho kale Dad lagu laayay oo Markale Maraykanka Ka Dhacday(Sawiro)
Next articleMadaxweyne xasan Shiikh Galmudug kaga Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan ah Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here