Home Wararka Maanta Tirada Khsaaraha Ka dhashay Weerarkii Ismiidaamintaa ahaa ee lagu qaaday Ciidanka 14ka...

Tirada Khsaaraha Ka dhashay Weerarkii Ismiidaamintaa ahaa ee lagu qaaday Ciidanka 14ka octoober

0

Warar Dheeraad ah ayaa kasoo Baxaaya Khsaaraha Ka dhashay Qarax Saakay lala eegtay Ciiidamada 14ka octoober oo Gaardis iyo safaf dheer ku jiray oo isku qarxiyay Midkamid ah Dadkii Safka ku jiray Taas oo sabatay Khsaaro ba,an oo isugu jira Dhimasho Dhaawac iyo Burbur Hantiyadeed.

Qaraxaan oo Ka dhacay Gudaha Xerada Jaalesiyaad ayaa ilaa Haatan La xaqiijiyay inay Ku Dhinteen Ku dhawaad 30 Askari kuna dhaawacmeen 60 askari oo kale waxaa sidoo kale Burbur Xooga soo Gaaray Xerada Jaalisiyaad.

Alshabaab Ayaa Durbaba Sheegtay weerarka Qaraxaan lagu Hoobtay oo ay shegeen inay ku laayeen ciidamada diyaar garow ku jiray

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada 14ka octoober Cabdiraxiin Muunyo ayaa Sheegay in Qaraxaan ay ku dhamadeen Ciidamo Hal Gobal kasoo jeedo wuxuuna sheegay in Alshabaab loo Fududeeyey Qaraxaan oo la Shirqoolay Ciidamadaaan oo dhawaan laga soo raray Magaalada Marka.

Ciidamadaan ayaa Waxaa saakay qorshuhu ahaa inuu Booqdo Talyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaliyeed ee dhawaan lamagacaabay kadibna uu Halkaas Khudbad uga jeediyo Balse Alshabaab ayaa Qorshahaas Fashiliyay.

Xerada Jaale siyaad ayaa ilaa haatan qasan ayadoo Ciidamada Badbaaday qaarkood la anfariirsanyihin sida ay wax u dhaceen.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH:Ciidamada Danab oo Weerar Culus ku Qaaday Alshabaab Ku Sugnaa Galmudug
Next articleGudoomiye Sacdiyo Yaasiin oo Mantay Markale loo diiday inay ka Dagto Garowe Afkana Furatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here