Home Wararka Somaliya Puntland Gudoomiye Sacdiyo Yaasiin oo Mantay Markale loo diiday inay ka Dagto Garowe...

Gudoomiye Sacdiyo Yaasiin oo Mantay Markale loo diiday inay ka Dagto Garowe Afkana Furatay

0

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji samatar ayaa Maantay Loo diiday inay Ka Dagto Magaalada Garowe oo ay ku wajahnayd Diyaaradii ay raaci lahayd ayaa lagu wargaliyay inaysan imaan karin Magaalada Garowe Kahor inta aysan ka duulin Garooka aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye  Sacdiyo Yaasiin ayaana Sheegtay in Qorsheheedu ahaa inay ka qayb Gasho Caanashubka Suldaan bashiir Suldaan Cabdulaahi ayada iyo wafdi ay Hogaaminaysay waxayna sheegtay inay ayaan daro tahay in ayagoo musiliyiin ah oo aan siyaasad usocon in loo diido inay tagaan Xarunta Puntland ee Magaalada Garowe.

waxayna eeda dusha uga tuurtay Madaxweyne Deni oo ay sheegtay in markii labaad ay utahay in deni u diido inay garowe tahay Taas u ku tilmaamatay Xishood la,aan siyaasadeed oo deni uu ku haaayo waxayna ugu baaqday shacabka garowe inay ka Falceliyaan arinkaas.

Waxayna Deni waydiisay ilaa meeqa ayaa iga celin doontaa inaan imaado puntland ayadoo sheegtay inuu Dastuurku u ogalyahay inay tagto Halkaas waxayna Baaq u dirtay isimada puntland inay maantay Badbaadiyaan Puntland oo Meel Xun kusocata waxaya sheegtay inay ka war sugayso isimida puntland.

waxayna tiri Deni waa sasanyahay ee ka qabta Puntland, Magaalada Garowe ayaa waxaa haatan ka taagan Xiisad Culus oo u dhaxaysa Deni iyo Ciidamada Diidanaa in la furo Dastuurka puntladn kuwaas oo dhawaan ku dagaalamay magaalada Garowe.

Ad
Previous articleTirada Khsaaraha Ka dhashay Weerarkii Ismiidaamintaa ahaa ee lagu qaaday Ciidanka 14ka octoober
Next articleDiyaarado maanta weeraray Caasimadda Ruushka ee Moscow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here