Home Wararka Caalamka Tirada Dadka lagu dilay Koonfur Afrika oo kor u dhaaftay 200 Boqol...

Tirada Dadka lagu dilay Koonfur Afrika oo kor u dhaaftay 200 Boqol Somali oo qeyb ka ah

0

Madaxweynaha dalkaasi, Sayral Ramafoosa waxa uu shalay booqday Deeganadii ay Rabshadaha, Bililiqada iyo Xasilooni-darada ka dhaceen ee Gobalka KuwaZulu Natal, wuxuuna wacad ku maray Soo-celinta Nabadda, kadib, hal isbuuc oo ay dhaceen Shaqooyinkii iyo Bililiqadii ugu xumaa tan iyo sanadkii 1994-kii.

Madaxweyne Ramafoosa oo ka hadlay Dekedda magaalladda Durban ee Gobalka KuwaZulu Natal oo ay ku xooggan yihiin Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee la xiray ayaa sheegay inay in ka badan 200 oo qof lagu dilay Shaqaaqooyinkaasi oo ahaa kuwo la soo abaabulay.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in la aqoonsaday tiro ka mid ah kuwii abaabulay Rabshadahaasi, isla markaana an loo oggolaan doonin inay dalka u horseedaan Mustaqbal-xumo.

Madaxweyne Ramafoosa waxa kale oo uu tilmaamay in 212 qof lagu dilay Rabshdihii isbuucii hore dhacay, halka in ka badan 2,500 oo kalena loo xiray falal isugu jira Dhaca iyo Burburin Hantiyeed.

Mar uu ka hadlayey Khasaaraha ka dhashay Bililqadii ka dhacday dalkiisa wxa uu xusay in Dhaqaalaha Koonfur Afrika inuu khasaaray Bilyan iyo Bilyanis oo Dollar, lana burburiyey 161 Xarumaha Ganacsiga, 11 Bakhaar, 8 Wershadood iyo 161 goobaha Khamriga lagu iibiyo.

Dhinaca kale, Boliska dalkaasi waxay sheegeen in dad badan ay ku dhinteen, xilli la isbuurtay iyagoo Dukaamada bililiqeysanayey.

Saraakiisha waxay kaloo sheegeen in hal qof loo xiray Abaabulka Rabshadahaasi, halka 11 kalena ilaalo la dul-dhigay.

Xasilooni la’aanta iyo Bililiqada baahsan ee ka dhacday dalkaasi ayaa waxay bilaabantay, kadib, markii Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jakob Zuma lagu xukumay 15-bilood, kadib, markii uu diiday Baaritaanka Eedeymo la xiriira Musuqmaasaq dhacay, muddadii uu Madaxweynaha ka ahaa dalkaasi laga soo bilaabo sanadkii 2009-kii ilaa 2018-kii.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidan ka tirsan kuwa Somaliya oo la geegay Gobolka Tigrey si Dagaalka qeyb uga noqdaan
Next articleBaarlamaanka Puntland oo maanta ka shiraya Xeer uu u gudbiyay Madaxweyne Deni