Home Wararka Maanta Tirada Dadka Ku Dhintey Dhulgariiradii Turkiga Iyo Siiriya Oo Gaartay 20 Kun...

Tirada Dadka Ku Dhintey Dhulgariiradii Turkiga Iyo Siiriya Oo Gaartay 20 Kun Oo Ruux

0

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirrada Turkiga iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 20,000 oo ruux, iyadoo rajadii laga qabay in la helo dad weli nool oo ku hoos jira dhismayaal burburay ay sii yaraaneyso.

Hay’adda musiibooyinka Turkiga ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay dalka Turkiga ay gaartay17,134, taas oo ah tiro kabadan dadkii ku naf waayay dhulgariir ka dhacay dalka Turkiga sanadkii 1999kii.Maamulka Suuriya ayaa sheegay in ay ku dhinteen illaa 3,317,taasoo wadarta guud ee labada dal ka dhigeysa 20,451 ruux.

Dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in loogaga soo saaro dad nool dhismayaasha hoostooda ayaa suurtogeliyay in la helo wiil labo sano jir ah oo nool kuna hoos jirey burburka dhisme dalka Turkiga muddo 79 saacadood.

Muuqaal ay soo saartay Hay’adda IHH Humanitarian Relief Foundation ee dalka Turkiga ayaa muujiyay shaqaalaha samatabbixinta oo eegaya meel ciriiri ah burburka dhisme magaalada Antakya oo wiilka ka soo saaraya isagoo ooyaya.

Sidoo kale haweeney 45 sano jir ayaa laga soo badbaadiyay magaalada Adana ee dalka Turkiga
Shaqaalaha samatabbixinta ayaa war wanaagsan ka helay magaalada Adana ee dalka Turkiga, iyagoo habeen iyo maalin ka shaqaynaya dhismo ka kooban 12 dabaq oo ku dumay dhulgariirkii Isniintii.

Waxay heleen Akgun Eker oo 45 jir ah oo nool kadib markii ay ku hoos jirtay burburka in ka badan saddex maalmood.
Madaxweyne Erdogan ayaa Talaadadii ku dhawaaqay xaaladda degdegga ah oo saddexda bilood ah si loo dardargeliyo dadaallada goobidda iyo samatabbixinta.

Ad
Previous articleDeni oo Shir gudoomiyay Shir looga Hadlaayay Amniga Puntland Xili Dhawaan Garowe Dagaal Ka Dhacay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Maalintii 5naad kasocda Laasacaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here