Home Wararka Somaliya Puntland Deni oo Shir gudoomiyay Shir looga Hadlaayay Amniga Puntland Xili Dhawaan ...

Deni oo Shir gudoomiyay Shir looga Hadlaayay Amniga Puntland Xili Dhawaan Garowe Dagaal Ka Dhacay

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa shir guddomiyey shirka amniga Gobolka Bari, oo looga hadlay qodobo badan oo muhiim u ah amiga gobolka.

Shirka oo ay kasoo qayb-galeen guddiga amniga gobolka Bari iyo xunbo ka tirsan golaha wasiiradda ayaa looga hadlay adkeynta nabadgelyada, horumarinta magaalada iyo garab istaaga mashaariicda horumarin iyo nashqadeynta magaalada.

Kulanku markuu dhammaaday waxaa kasoo baxay qodobadan: –

1. Adkaynta Nabadgalyada guud ahaan Gobolka bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.

2. Ka hortaga falalka Argagixisada iyo La dagaalanka Maandooriyaha.

3. In dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee Dowladda.

4. In la sameeyo naqshadaynta magaalada Boosaaso (Master Plan) oo la baneeyo dhammaan jidadka xiran ee nashqadu tilmaamayso.

5. In dhulka banaanka laga jaro dhulka danta guud ee 30% ka ah, ayada oo la tixraacayo Xeerka maareeynta dhulka magaalooyinka ee Dowladda Puntland.

6. In dhammaan guryaha Magaalada Boosaaso, Biilasha Biyaha iyo Korontada lagu daro $1 dollar oo lagu horumarinayo magaalada Boosaaso laga bilaabo 1 Bisha March 2023.

7. In la sameeyo Guddiga horumarinta magaalada Boosaaso.

8. In dhammaan baalayaasha korontada laga qaado meelaha aan munaasibka ku ahayn sida jidadka.

9. In Bulshadu ka qeyb qaadato mashaariicda horumarineed ee ka socota magaalada Boosaaso, Iyadoo cidii ka hortimaadana Sharciga la horkeeni doono.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Si kulul uga Jawaabtay Eedey uga Timid Soomaaliland oo ku aadan Laasacaanood
Next articleTirada Dadka Ku Dhintey Dhulgariiradii Turkiga Iyo Siiriya Oo Gaartay 20 Kun Oo Ruux

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here