Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Tirada Dad Farabadan oo Xalay ku Dhintay iyo Dhaawac Qarixii Baladweyne oo...

Tirada Dad Farabadan oo Xalay ku Dhintay iyo Dhaawac Qarixii Baladweyne oo la Shaaciyay

0

Waxaa weli ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan xaalad murugsan oo ka dhalatay qaraxyadii xooganaa ee xalay gilgilay magaaladaasi, kuwaas oo ay ka dhalatay saameyn xoogan.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Hiiraan, Isaaq Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay sii kordheen khasaaraha ka dhashay weerarkaas, isaga oo xaqiijiyay in dhimashada ay ka badan tahay illaa 48 ruux.

“Waxaa wadna tirakoobkii dadkii ku dhintay, waxaa qiyaasayna inay tahay tiro aad u badan, inta aan hubno waa 48ruux iyo 108 Qof oo dhaawac ah inay kasii badan yihiina waa umaleynayna. Dadka Soomaaliyeed ee meesha ku dhintay waxaa u badan dad shacab iyo ganacsato ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inta illaa hadda ogyihiin in qaraxyadaas ay ku geeriyoodeen oo mas’uuliyiin ah ay kala yihiin; Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo Xildhibaan hore Dhuxul.

“Dowlad federaalka iyo dowlad goboleedka HirShabelle waxaa ka rajeynayna inay dhaawacyadaas wixii daran ee lagu dabiibi karin halkan u qaadi lahaayen magaalada Muqdisho si gurmad loogu sameeyo.”

Taliye Isaaqa ayaa ugu baaqay shacabka reer Beledweyne iyo guud ahaan gobolka inay sugida amniga iyo xasiloonida kala qeyb qaatan ciidamada amniga, si aysan markale u dhicin mashaqo intaan ka badan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradan oo ku soo aaday, xilli ay doorasho ka socoto magaalada Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.

Sidoo kale waxay sheegatay in qaraxyada ku dishay dhowr iyo toban qof oo isugu jira siyaasiyiin u sharraxnaa xildhibaanimo, mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo kuwa HirShabelle, askar iyo shacab kale. Lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah

Ad
Previous articleCabdirisaaq Cumar Maxamed oo Goordhow Baladweyne Xildhibaan ku Guulaystay
Next articleMashruuc lagu Dhisaayo Dekada Hobyo oo laga Daahfuray Magalaadaas(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here