Home Wararka Maanta Telegram oo Soomaaliya laga Xiray iyo Tiktok 1XBET oo Shaqaynaaya

Telegram oo Soomaaliya laga Xiray iyo Tiktok 1XBET oo Shaqaynaaya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa hawada ka saartay isticmaalka barta Telegram oo kamid ahaa baraha ay sida weyn u isticmaalaan dhallinta Soomaaliyeed, bartan ayaana lagu baahin jiray muuqaalo ay ku jiraan kuwa anshax-xumo ah.

Wasaaradda Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa ku ammartay shirkadaha ka howlgala qeybo kamid ah Soomaaliya in ay hawada ka saaraan isticmaalka barta Telegram oo kamid ah baro dowladda horey u sheegtay in la xirayo.

Barta Telgeram ayaa inta badan saakay dadkii isticmaali jiray ku baraarugeen in hawada laga saaray, waxaana wali sii shaqeenaya baraha kale ee Tiktok iyo sidoo kale barta khamaarka ee loo yaqaan 1XBET oo horey dowladda u sheegtay in la xirayo.

Ammarka dowladda Soomaaliya ay ku xanibeyso qaar kamid ah baraha bulshada ayaan ka dhaqan-gelin deegaannada maamulada Puntland iyo Somaliland, kuwaa shirkadaha isgaarsiinta ku ammartay in aysan saddexda barood aysan xiri karin.

Ad
Previous articleBonomade Machude Omar oo malaayiin Doolar lagu raadinyay oo la Dilay
Next articleMaraykanka oo sheegay in 13 Alshabaab ah uu ku dilay duqeyn xagga cirka oo ku qaaday Koonfurta Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here