Home Wararka Maanta Bonomade Machude Omar oo malaayiin Doolar lagu raadinyay oo la Dilay

Bonomade Machude Omar oo malaayiin Doolar lagu raadinyay oo la Dilay

0

Hoggaamiye koox islaami ah oo  ka dagaallanta dalka Muzambique ayaa la dilay, waxaana warka geerida hoggaamiyahan oo sannado badan la raadinayay shaacisay dowladda Muzambique.

War kasoo baxay dowladda Muzambique ayaa lagu sheegay in ciidankooda dileen hoggaamiye koox islaami ah oo lagu magacaabayay Bonomade Machude Omar, kaa oo dowladda kula jiray dagaal.

Hoggaamiyahan xiriirka la lahaa Daacish ayaa dowladda Muzambique sheegtay in lala dilay labo nin oo kale oo iyana kamid ahaa hoggaanka sare ee fallaagada ka dagaallanta qeybo kamid ah dalka Muzambique

Wasaaradda gaashaandhigga Muzambique ayaa sheegtay in Bonomade Machude Omar  oo sidoo kale loo yaqaan Ibn Cumar  uu hoggaaminayey fallaagada tan iyo markii ay bilowdeen colaadaha 2017-kii.

Ad
Previous articleWaa imisa tirada maxaabiista iyo gaadiidka Somaliland looga qabsaday Goojacadde?
Next articleTelegram oo Soomaaliya laga Xiray iyo Tiktok 1XBET oo Shaqaynaaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here