Dowladda Soomaaliya ayaa hawada ka saartay isticmaalka barta Telegram oo kamid ahaa baraha ay sida weyn u isticmaalaan dhallinta Soomaaliyeed, bartan ayaana lagu baahin jiray muuqaalo ay ku jiraan kuwa anshax-xumo ah.
Wasaaradda Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa ku ammartay shirkadaha ka howlgala qeybo kamid ah Soomaaliya in ay hawada ka saaraan isticmaalka barta Telegram oo kamid ah baro dowladda horey u sheegtay in la xirayo.
Barta Telgeram ayaa inta badan saakay dadkii isticmaali jiray ku baraarugeen in hawada laga saaray, waxaana wali sii shaqeenaya baraha kale ee Tiktok iyo sidoo kale barta khamaarka ee loo yaqaan 1XBET oo horey dowladda u sheegtay in la xirayo.
Ammarka dowladda Soomaaliya ay ku xanibeyso qaar kamid ah baraha bulshada ayaan ka dhaqan-gelin deegaannada maamulada Puntland iyo Somaliland, kuwaa shirkadaha isgaarsiinta ku ammartay in aysan saddexda barood aysan xiri karin.