Home Wararka Maanta Teendhada Afisiyooni iyo Xildhibaano badan oo tagay(Sawiro)

Teendhada Afisiyooni iyo Xildhibaano badan oo tagay(Sawiro)

0

Waxaan wali bilaaban doorashadii guddoonka gollaha shacabka ee maanta loo ballansanaa , waxaana hoolka wali ka maqan oon tagin xildhibaano badan oo katirsan gollaha shacabka kuwaa oo qaarkood waddooyinka laga celiyay.

Diyaar garow ku aadan qabsoomida doorashada ayaa ka socota teendhada Afisiyooni, waxaana guddoonka KMG ee gollaha shacabka iyo guddiga qaban qaabada doorashada sheegeen in doorashada dhaceyso.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa sheegay in ay dhaceyso doorashada, waxa uuna xusay in xildhibaanada loo diyaariyay afur ayna joogayaan ilaa caawa xitaa haddii doorashada gaarto.

Xildhibaano badan ayey goordhaw usuurto gashay in ay gaaraan teendhada Afisiyooni, waxaana wali caqabado la kulmaya xildhibaano kale oo doonaya in ay tagaan hoolka ay ka dhaceyso doorashada guddoonka gollaha shacabka.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dadaalo badan uu ku doonayo in ay ku dhacdo doorashada guddoonka gollaha shacabka ee maanta loo ballansan yahay, waxa uuna Rooble la kulmay masuuliyiin, saraakiil iyo wakiillo katirsan beesha caalamka.

Ad
Previous articleGuddomiye Dhabancad”“Aniga iyo xildhbaano kale waxaan joognaa halkii lagu ballamay, waxaa hoolka joogo xildhibaano aan badneyn, waxaana xildhibaanada maqan”
Next articleAskari ka Tirsana Ciidamada GorGor oo Dhuusamareeb lagu Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here