Home Wararka Somaliya Somaliland Taywaan oo lacag Farabadan ugu Deeqday Soomaaliland(Sawiro)

Taywaan oo lacag Farabadan ugu Deeqday Soomaaliland(Sawiro)

0
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, ayaa safiirka waddanka Taiwan u fadhiya Somaliland ka guddoomay qaadhaan lacageed oo ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka loogu jiro dadka abaaruhu saameeyeen.
 
Munaasibadda wareejinta qaadhaanka lacageed oo qaddarkeedu dhan yahay $500,000(Shan Boqol oo kun oo dollar) oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa goob-joog ka ahaa xubno kamid ah guddida gurmadka abaaraha iyo madaxda safaaradda Taiwan oo uu hoggaaminayo safiir Allen lou, .
 
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uga mahadnaqay Taiwan tallaabada lexejeclada leh ee ay u muujisay shacabka reer Somaliland iyo lacagta ay ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha.
 
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhammaanba dalalka kale ee caalamka ugu baaqay inay ku daydaan dalka Taiwan, kana soo jawaabaan baaqooda ku aaddan inay gacan ka geystaan gurmadka abaarta saamaysay gobollo badan oo dalka Somaliland ka mid ah.
Ad
Previous articleDeg Deg Deni oo Lagu Qarxiyay Magaalada Bosaaso
Next articleGudoomiye Muuse Geele oo Sheegay Inuu Kursigii Fahad yaasiin aan loo Marin Habraacib Doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here