Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Gudoomiye Muuse Geele oo Sheegay Inuu Kursigii Fahad yaasiin aan loo Marin...

Gudoomiye Muuse Geele oo Sheegay Inuu Kursigii Fahad yaasiin aan loo Marin Habraacib Doorashada

0
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf oo shir jaraaid qabtay ayaa ka warbixiyay heerka ay marayaan doorashada Golaha Shacabka oo meel wanaagsan maraya.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT Muuse Geelle Yuusuf ayaa caddeeyay in Guddiga doorashada uu horay u joojiyay saddex kursi oo kala ah #HOP154, #HOP103 iyo #HOP086 oo ahaa kursigii uu shalay ku soo baxay Fahad Yaasiin.

Labada kursi ee kala ah #HOP154 waxaa ku soo baxday Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla, balse Guddigu sheegay in aan loo marin habraacii saxda ahaa, maadaama gabadha la tartantay aysan da’deeda gaarin 25 sano jir, sidoo kale Kursigii Jawaari ku fadhiyay #HOP103 ayaa isna weli sidiisa ah.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda lagu guuleystay in la dhameyatiro doorashada labada Aqal ee Gobolada waqooyi iyo degaan doorashada labaad ee Baraawe, wuxuuna ku sheegay in ilaa iyo 165 Xildhibaan la doortay 110 kalena ay harsan yihiin.

Wuxa uu guddoomiyaha FEIT uu sheegay in Saddexdaasi kursi habraacii loo maray uu qalmaday, sidaas daraadeedna inta laga saxayo ay sidaasi ahaan doonaan, waxana uu raja ka muujiyay in degaannada weli doorashooyinka ku harsan yihiin in si deg deg ah looga dhameystiro.

Ad
Previous articleTaywaan oo lacag Farabadan ugu Deeqday Soomaaliland(Sawiro)
Next articleMadaxweynaha Ruushka Oo UKrain kala Jaray Amar Deg Deg ahna Ku Bixiyay in Ciidamao la Geeyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here