Home Wararka Maanta Taliyihii Hore ee Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Galmudug oo dil ka badbaaday

Taliyihii Hore ee Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Galmudug oo dil ka badbaaday

0

Koox hubeysan ayaa weerar jidgal ah ku qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Galmudug Najiib Xirsi Dhoore iyo askar Nabadsugid ah oo la saarneyd gaari nuuca raaxada ah oo uu watey, Waxaana Weerarku uu ka Dhacay inta u dhaxeeysa Godinlabe iyo Cadaado.

Maleyshiyaadka ayaa doonayay in ay Taliyaha iyo Ciidanka la socday ka furtaan hub fudud oo ay dhuusamareeb u wadeen, waxaase taliyaha iyo ilaaladiisa ay iska caabiyeen weerarka oo burbur ba’an gaarsiiyay gaariga ay la socdeen

Taliye najiib oo aan lahadalnay ayaa sheegay in ay nabad qabaan isla markaana kasoo gudbeen halka lagu weerarey.

Saraakiisha Galmudug wax war ah kama soo saarin Weerarka Lagu qaaday Sarkaalkaan iyo Askarta ilaalada u ahaa intaba.

Ad
Previous articleFashil ku yimid Shirkii Madaxtooyada uga socday Farmaajo iyo Rooble
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo la kulmaya Xubna ka Socday Qaramada Midoobey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here