Home Wararka Somaliya Taliye xijaar oo digniin soo saaray amarna ku bixiyay in La baaro...

Taliye xijaar oo digniin soo saaray amarna ku bixiyay in La baaro Ergada iyo Musharaxiinta xildhibaanada doonaya

0

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa soo saaray amar ku socda musharraxiinta ka qeybgalaya doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Xijaar ayaa soo jeediyey in la baaro qof kasta oo musharrax ah iyo ergooyinka wax dooranaya, si loo ogaado inay dambi ka galeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in baaris kadib ay u gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha oo ah mas’uulka ugu sarreeya doorashada, si uu ula wadaago golaha wada-tashiga qaranka.

“Qof kasta oo musharrax ah iyo qof kasta oo ergooyinka wax dooranaya ah waxa aan soo jeedinayaa in la baaro oo la ogaado inay dambi ka galeen Ummadda Soomaaliyeed waxaana u geyneynaa ra’iisul Wasaaraha si uu ugu sii gudbiyo golaha wada-tashiga qaran” ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal-qaaday eedeyn loo jeediyey taliska Booliska oo ah inuu ka horyimid musharraxiin warqadda dambi la’aanta ka dalbaday xarunta C.I.D, isaga oo qiray inay jiraan shaqsiyaad musharraxiin ah oo tegay xarunta, balse aysan jirin is hortaag lagu sameeyey.

Xijaar ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in aysan jirin cid la siiyey warqadaasi, isla-markaana ay ku shaqeynayaan nidaamka u degsan dowladda Soomaaliya.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo laga dalbaday inuu soo Magacaabo Liiska Musharaxiinta aqalka sare
Next articleJabuuti oo ka hadashay Rabshado ka dhacay caasimada jabuuti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here