Home Wararka Maanta Taliye Shub oo shaqada ciidanka ka eryay 32 askari Shaaciyayna Sababta

Taliye Shub oo shaqada ciidanka ka eryay 32 askari Shaaciyayna Sababta

0

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karin in ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa Asluubta ka mid ahaan askar cabtooy ah oo isticmaasha muqaadaraadka maanka-dooriya.

Jeneraal Shub ayaa sheegay in xashiishka isticmaalkiisa uu  mamnuuc ka yahay gaal iyo islaamba, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidanka dowladda ay isticmaalaan xashiish sidoo kale waddooyinka la taagan yihiin calaq.

Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya in shaqada ciidanka Asluubta uu ka eryay labo maalin gudahood 32 askari oo katirsanaa ciidanka, kuwaa uu sheegay in ay ahaayeen cabtoy isticmaasha xashiishka.

Jeneraal Mahdi Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ka go’antahay in ciidanka Asluubta ka ruqseeyo dhammaan askarta idticmaasha maan-dooriyaha sida xashiishka iyo calaqa, waxa uuna xusay in askar badan oo cabtow ah ka doorbidayaan boqol askari oo nadiif ah.

Ciidanka nuucyadiisa kala duwan ee dowladda ayaa waxaa ku jira askar badan oo isticmaasha waxyaabaha maanka-dooriya nuucyadooda kala duwan, waxa ayna askrtan mararka qaar ku kacaan falal amniga lidi ku ah waxna u dhimaya anshaxa ciidanka.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo si weyn u dhaliilay Madaxweyne Saciid Deni
Next articleMucaaradka Puntland oo Ka Horyimid Go,aan Culus oo Deni Damacsanaa