Home Wararka Somaliya Puntland Mucaaradka Puntland oo Ka Horyimid Go,aan Culus oo Deni Damacsanaa

Mucaaradka Puntland oo Ka Horyimid Go,aan Culus oo Deni Damacsanaa

0

Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaal isbeddel-doon ah  ee ka jira Puntland ayaa si adag uga horyimid go’aankii xukuumadda Madaxweyne Deni ku ansixisay in wax laga beddelo Dastuurka u yaalla maamulkaasi.

Bayaan kasoo baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayey uga hor yimaadeen qaraarkii golaga wasiiradda Puntland wax uga badaleen Dastuurka kuna kordhiyeen xisbiyada siyaasadda ee u tartamaya doorashada soo socota.

“Madasha Siyaasadda Puntland waxay si xooggan uga soo horjeeddaa ansaxin-ku-sheegga sharci-darrada ah ee Golaha Wasiiraadu ay 4tii May 2023 wax uga baddaleen Dastuurka Puntland. Waxaan ugu baaqaynaa MD. Siciid Deni iyo Xukuumadiisa in ay joojiyaan wax ka beddelka Dastuurka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Madasha.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa Maxkamada Dastuurka ee Puntland ugu baaqday in ay gudato wajibaadkeeda Dastuuriga oo ay hor istaagto in wax ka baddel lagu sameeyo Dastuurka oo ah heshiis bulsho.

Ad
Previous articleTaliye Shub oo shaqada ciidanka ka eryay 32 askari Shaaciyayna Sababta
Next articleSarkaal iyo ciidamo ka goostay Somaliland oo ku biiray Jabhada SSC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here