Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odawaa ayaa ku baxay Ciidankii caawa ka soo baxay furimaha dagaalka oo soo gaaray duleedka magaalada Muqdisho. Taliye Odawaa ayaa la sheegay in Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka uu ka dalbaday inay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka, iyadoo haatan uu shir u socdo.
Ciidamadan ayaa gadoodkoodu yahay ku saleysan yahay diidmada muddo kordhinta, waxaana warar soo baxayay ay sheegayaan in Saraakiisha hoggaamineusa ciidankan ay damacsan yihiin inay warbaahinta la hadlaan.
sidoo kale wararka ayaa intaa ku daraya in Saacadaha soo aadan Saraakiil ka Tirsan Milateriga Soomaaliya ay la hadlaan warbaahinta, iyagoo ka hadlaya Xaalada Xasaasiga ah ee dalku Marayo
Ad