Home Wararka Somaliya Nabadoon lagu dilay Muqdisho xili uu kasoo baxay Masaajidka

Nabadoon lagu dilay Muqdisho xili uu kasoo baxay Masaajidka

0

Kooxo hubeysan ayaa Agagaarka Masjidka Turkiga ee Xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Oday Nabadoon ahaa, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Cabdullaahi Ciise Hilowle, waxaana sidoo kale uu kamid ahaa Ergadii soo xushay Xildhibaannada Golaha Shacanka ee mudada xilgeyntooda ay dhamaatay.

Dilka Nabadoonka ayaa waxaa Goobjoogayaal ay sheegeen inay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bustoolado, waxaana Goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, iyo Ehellada Marxuumka, kuwaas oo Goobta ka qaaday Meydka.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay Nabadoonka, hayeeshee  waxaa horay magaalada Muqdisho Odayaal kamid ahaa Ergada soo xushay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Ad
Previous articleTaliye odawaa oo ku baxay Ciidamo Ka soo Qulqulay Sh/dhaxe iyo Amarkiisa oo socon waayay
Next articleDowlada Somaliya oo sheegtay in ay soo Wajahday Dhaqaalo Xumo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here