Home Wararka Maanta Taliyaha Xooga dalka oo ka hadlay Weerar Lagu Dhaawacay Korel Saney Cabdulle

Taliyaha Xooga dalka oo ka hadlay Weerar Lagu Dhaawacay Korel Saney Cabdulle

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay qarax Ismiidaamin oo ka dhacay Saldhig ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde Shabeellaha Dhexe.

General Odowaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in ciidamada ay hayeen xogta Qaraxa ayna ka hortageen qorshihiii ay soo maleegeen Al-shabaab.

“Qarax Naftii halignimo ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay banaanka hore saldhig ay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin degaanka Biya-cade ee gobalka Shabeellaha Dhexe.”ayuu yiri Generalka oo dhowaan ka soo laabtay howlgalo uu hoggaaminayay oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

General Odowaa ayaa beeniyay warar sheegayay in ay ciidamo ay ku dhinteen weerarkan ismiidaaminta ah.

“Lama soo sheegin wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi”

Gen Odowaa wuxuu intaas raaciyay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca Dalka iyo Diinta ay sii labalaabayaan howlgalada ka dhanka ah Xagjirka Alshabaab ee banneystay in ay xaqdarro ku daadiyaa dhiigga umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Kornel saney oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada xooga dalka ayaa dhaawac ka soo gaaray Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Deegaanka Biya Cadde ee Gobalka Sh/dhaxe.

Ad
Previous articleMidowga Yurub oo dhimay Dhaqaale uu sii jiran Ciidamada AMISOM
Next articleXog ku saabsan Socdaal Qarsoodi ah oo C/rashiid Janan ku Tegay itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here