Home Wararka Maanta Taliyaha Boliiska Gobalka Banaadir oo joojiyay Kulankii Golaha Shacabka

Taliyaha Boliiska Gobalka Banaadir oo joojiyay Kulankii Golaha Shacabka

0

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq John ayaa sheegay inay joojiyeen kulankii maanta ee Baarlamaanka, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay Isgoysyada magaalada.

Shir jaraa’id oo uu goordhow ku qabtay xafiiskiisa ayuu ku sheegay in aanay dooneyn inuu qalalaase ka dhaco Gobolka Banaadir, isla markaana aanay dooneyn dagaal iyo kala aragti duwanaan xabad wadata.

“Ma dhici karto in baarlamaanka Soomaaliya inaan soo xiro inaan soo dilo, Baarlamaanka maanta waxaa hakinay kulankii ay lahaayeen waxaa loo baahan yahay wax boob ah in aysan dhicin is faham siyaaadeed in la gaaro ayaa loo baahan yahay, afar sano ayaa joogteen, doorsho dib ugu laabta, deegaanadiina dib kalsooni ugu laabta”ayuu yiri Taliye Saadaq John.

Hadalka Taliyaha ayaa ah mid lama filaan oo dadka ay ku noqotay layaab, iyadoo xilli xasaasi ah ku soo aaday.

 

Ad
Previous articleBanaanbax Lagu Taageerayo Muddo Kororsi ayaa Abaabulkiisu Ka soconayaa Muqdisho
Next articleDEG DEG: Saadaq Joon oo Xilkii Laga qaaday iyo Farxaan Qaroole oo La Magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here