DEG DEG: Saadaq Joon oo Xilkii Laga qaaday iyo Farxaan Qaroole oo La Magacaabay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa  xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).

Wareegto kasoo baxday xafiiska Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa xilkaGaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejada Gaashaanle Sare.

Xilka qaadista Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar ayaa waxaa ay timid kadib markii shir jaraa’id uu qabtay uu ku sheegay in uu joojiyay Kulankii Golaha Shacabka ee Maanta oo uu sheegay in lagu doonayay muddo kororsi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*