Home Wararka Maanta Taliyaha Biixi oo lagu Wareejiyay Hub laga Soo Furtay Alshabaab(Sawiro)

Taliyaha Biixi oo lagu Wareejiyay Hub laga Soo Furtay Alshabaab(Sawiro)

0

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS/AMISOM ayaa hub lagu soo qabtay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ku wareejiyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hubka ayaa isugu jiray Qoryaha Dhashiikaha, Qoryaha, iyo Dhowr Xabadood oo ay Al-shabaab ka furteen Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ku-xigeenka Madaxa ATMIS, Marwo Fiona Lortan, ayaa hubkan ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Dhulka.

Ms. Lortan ayaa xustay in xil wareejintaasi ay waafaqsan tahay hab-maamuuska hubka fudud iyo midka fudud, kaasoo qeexaya hannaanka kaydinta iyo maareynta hubka.

Sida nidaamka, dhammaan hubka la qabto waa la duubaa, la sawiraa, oo la baaraa ka hor inta aan la burburin ama dib loo qaybin.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ATMIS waa in ay diiwaangeliyaan dhammaan hubka iyo agabka milatari ee lagu qabto weerarrada ama inta ay ku guda jiraan waajibaadkooda,” ayay tiri Ms. Lortan.

Waxa ay xustay in qabashada hubka iyo wareejinta ay tahay guulo wax ku ool ah oo laga gaaray dadaallada lagu wiiqayo Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS-ka ee dhanka howlgallada iyo qorshaha, Maj. Gen. William Kitsao Shume, ayaa ku ammaanay ciidamada ATMIS iyo kuwa XDS sida ay ugu dhabar adeygeen la dagaalanka Al-shabaab

Taliyaha ATMIS ee Uganda, Brig. Gen. Keith Katungi, ayaa sheegay in talaabadan looga dan leeyahay in lagu xakameeyo hubka fudud.

“Talaabadan waxay muujinaysaa guushayada inaan hoos u dhigno oo aan u diidno Al-Shabaab xorriyadda ficilka iyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa,” ayuu raaciyay Brig. Gen. Katungi.

Dhankiisa, Gen. Biixi ayaa bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya ATMIS iyo SNA ee dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida, ka hor inta aan mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

 

 

 

Wadashaqeynteenu waxay wiiqaysaa cadowga, waxayna dhiirri-gelinaysaa ciidamadeenna  ATMIS-ka iyo kuwa Nabadsugidda Soomaaliya,” ayuu yiri Gen. Biixi.

Ad
Previous articleKhilaaf Xoogan oo ka Dhex Qarxay Midowga Musharixiinta
Next articleDowlada Ingiriiska oo Ka Digtay Weeraro Alshabaab Qorsheeyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here