Home Wararka Maanta Dowlada Ingiriiska oo Ka Digtay Weeraro Alshabaab Qorsheeyeen

Dowlada Ingiriiska oo Ka Digtay Weeraro Alshabaab Qorsheeyeen

0

Dowladda Britain ayaa soo saartay digniin ku aadan weeraro iyo afduub ay sheegeen in ay qorsheenayaan dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab ee awoodda badan ku leh qeybo kamid ah Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay dowladda Britain ayaa lagu sheegay in Al Shabaab qorsheenayaan fulinta weeraro iyo afduub inta lagu guda jiro maalmaha ciida ee dadku sida weyn u mashquulsan yihiin.

Dowladda Britain ayaa sidoo kale sheegtay in kooxda Al Shabaab hanjabaadyo u direen hay’addaha reer Galbeed iyo dadka u shaqeeya, waxa ayna Britahn sheegtay in hada cabsi badan laga dareemayo  magaalada Muqdisho.

“ Weerarada argagixisadu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo lala eegto meelaha dadku ku badan yahay, munaasibadaha Ciiddaha iyo meelaha ay ajaanibku booqdaan,” ayay yri qoraalka dowladda Britain.

Britain ayaa sidoo kale sheegtay  in khatar weyni ka jirto gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya lagana cabsi qabo dambiyo ka dhaca biyaha caalamiga ee Soomaaliya, iyada oo digniinteeda ka reebtay saddex gobol oo kuyaala Somaliland .

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro qorsheesan ka fuliyay guddaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah waddamada dariska, waxaana digniintan imaaneysaa xilli Al Shabaab maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka fulisay dilal iyo qaraxyo khasaaro dhaliyay.

Ad
Previous articleTaliyaha Biixi oo lagu Wareejiyay Hub laga Soo Furtay Alshabaab(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Ku Faanay Hal Arin Dowladiisu Qabatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here