Home Wararka Caalamka Taliyaaniga oo Sharci Cusub ka soo Saaray Maraakiibta Qaxootiga kasoo qaada Bada...

Taliyaaniga oo Sharci Cusub ka soo Saaray Maraakiibta Qaxootiga kasoo qaada Bada Mediterranean

0

Dood xoogan ayaa ka taagan Doomaha Ama Maraakiibta garkaarka ee Bada Mediterranean kasoo badbaadiya Tahriibayaasha ku soo wajahan Yurub.

Khilaafka xoogiisa ayaa salka ku haya cida Qaabileysa Qaxootiga iyo in Taliyaaniga marka hore Sharuud la’an Aqbasho Qaxootigaasi.

Dowlada Taliyaaniga ayaa hada hirgalisay Sharci ku Qasbaya Maraakiibta ama Doomaha Gargaarka inaysan Si Dhaqso ah ku soo xiran Xeebaha Taliyaaniga.

Sharciga Cusub ayaa Qeexaya in Maraakiibta joojiyaan badbaadinta Tahriibayaasha Bada Mediterranean.

Wasiirka Arimaha Dibada Taliyaaniga Matteo Piantedosi ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay Qorshaha Cusub ee dowlada kaga hortageyso Muhaajiriinta soo gaaraya Dalkaasi.

Bilihii ugu danbeeyay Dhoor Markab ayaa laga celiyay Dalka Taliyaaniga iyadoo Dowlada ay diiday in Muhaajiriinta gudaha u galaan Dalkaasi.

Ad
Previous articleKylian Mbappe oo sameeyey arrin layaab leh 72 saac kadib Ciyaartii Finalka ee Koobka Aduunka
Next articleDowlada Somaliya oo ka hadashey Ciidanka Eritrea laga keenay Maanta iyo Shaqada ay Qabanayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here