Home Wararka Maanta Kylian Mbappe oo sameeyey arrin layaab leh 72 saac kadib Ciyaartii Finalka...

Kylian Mbappe oo sameeyey arrin layaab leh 72 saac kadib Ciyaartii Finalka ee Koobka Aduunka

0

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa sameeyey arrin layaab leh markii saaka lagu arkay isaga oo ku sugan garoonka tababarka kooxdiisa Paris Saint-Germain, isla markaana uu la baxay dharka oo uu xidhay kabaha iyo goomada si uu tababarka ula qaato ciyaartoydiisa.

Mbappe oo saddex maalmood ka hor saddexlay ka dhaliyey finalkii Koobka Adduunka ee uu xulkiisa rikoodheyaasha lagaga qaaday koobka oo Argentina ay ku guuleysatay.

Qorshaha tababare Christopher Galtier ayuu ka baxsanaa Kylian Mbappe illaa inta laga gaadhayo sannadka cusub, balse warbaahinta ayaa mar kaliya ku war helay Mbappe oo kasoo degaya baabuurkiisa oo soo gelaya garoonka tababarka, waxaanay la boobeen sawirro.

Markii hore lama moodayn inuu tababarka la bilaabayo ciyaartoyda kooxdiisa oo kulan saaxiibtinimo duhurnimadii maanta ciyaarayay balse waxa la moodayay inuu u socdo arrimo kale oo uu soo booqday kooxda maadaama ay ahayd inuu fasax galo.

Mbappe oo shalay ay da’diisu noqotay 24 jir, ayaa waxa uu saxaafadda ku tuuray laba kalmadood markii uu tababarka ka bilaabay garoonka Camp des Loges, waxaanu yidhi: “Waxa aan dareemayaa in aan fiicanahay, fiicanahay oo aad u fiicanahay.”

PSG ayaa laa sheegay in ay hore ugu qorshaysay Kylian Mbappe iyo ciyaartoydeeda qaybta ka ahaa finalkii Koobka Adduunka inay galaan toban maalmood oo fasax ah oo ay qoysaskooda la qaataan ka hor inta aanay tababarka kusoo laabanin, taas oo ka dhignayd in aanay ciyaarin kulanka horyaalka Ligue 1 ee Strasbourg ee Arbacada December 28, hase yeeshee Mbappe ayaa hadda diyaar u ah inuu dheelo kulankaas.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Diyaaradii ugu Horaysay ee Sida Ciidamadii lagu Tababaray Dalka Eriteriya oo Muqdisho kasoo Dagtay
Next articleTaliyaaniga oo Sharci Cusub ka soo Saaray Maraakiibta Qaxootiga kasoo qaada Bada Mediterranean

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here