Home Wararka Somaliya Taliyaan loo Magacaabay Degmooyin ka tirsan Galgaduud iyo kuwa Xilalka laga qaaday

Taliyaan loo Magacaabay Degmooyin ka tirsan Galgaduud iyo kuwa Xilalka laga qaaday

0

Taliye  kuxigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed  Sareeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa xilalkii ka qaaday taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Cabudwaaq iyo Xeraale ee Gobolka Galgaduud, isaga oo taliyeyaal Cusub u Magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye  kuxigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Taliyaha Saldhiga Booliska Cabudwaaq waxaa loogu Magacaabay Gaashaanle Sare Axmed Cabdikariim Maxamed halka taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xeraale loo Magacaabay Gaashaanle Qalbi Axmed Cali.

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa la faray taliyaha qeybta Guud ee Booliska Galgaduud in uu howlgeliyo una dalbo xaquuqdooda Saraakiishaan la Magacaabay.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.

Ad
Previous articleTaalibaan oo ka hadashay Ciidamada Mareykanka ee ka baxay Afgaanistaan
Next articleFaah faahino ku saabsan Askar Lagu Dilay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here