Faah faahino ku saabsan Askar Lagu Dilay Muqdisho.

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku diley degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir labo askari oo ka tirsanaa ciidamada milatariga.

Ciidamada ku sugnaa halka uu dilka ka dhacay ayaa diley mid ka mid ah kooxdii bastooladaha ku hubeysnayd ee weerartay askartan kuwaasoo la aaminsan yahay inay ka tirsanaayeen kooxda Alshabaab.

Askarta la dilay oo magacyadooda lagu kala sheegay Axmadeey Gadaf iyo Sakariye Cali Aadan ayaa caan ka ahaa degmada Kaaraan.

Kooxaha bastooladaha ku hubeysan ayaa dilal ka geysta magaalada Muqdisho iyadoo dhawaan lagu diley degmada Deyniile mid ka mid ah nabadoonada caanka ka ahaa degmada Deyniile.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*