Home Wararka Maanta Taliska booliska Soomaaliya oo Cadeeyey Sababta C/wali muudeey Diyaarada looga Reebay

Taliska booliska Soomaaliya oo Cadeeyey Sababta C/wali muudeey Diyaarada looga Reebay

0

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababtii shalay loogu celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey xili uu Baraawe kusii jeeday.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday aan laga celin in uu garoonka ka dhoofo balse loo diiday in uu la tago ciidan badan uu watay.

Waxa uu xusay afhayeenka booliiska in ciidamo aad u tiro badan oo watay hubka culus uu doonayay Cabdiweli Muudey in uu kala dhoofo garoonka Aadan Cadde lana aado dhinaca magaalada Baraawe.

Afhayeenka ayaana cadeeyay in ammaanka magaalada Baraawe ee ka dhacayana doorashada gollaha shacabka ay tahay mid sugan halkaasna horey dowlad u geesay ciidamo badan oo ammaanka doorashada suga.

Waxa uu sheegay afhayeenka in loo ogolaaday guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee baarlamaanka federaalka in uu Baraawe la tago ilaaladiisa gaarka ah oo gaareysa ilaa 5-askari balse diiday uuna codsaday in ciidanka uu watay loo fasaxo.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in musharaxiinta u tartameysa kuraasta gollaha shacabka loo ogolyahay kaliya in ay horey u wataan ilaaladooda gaarka ah oo gaaraeysa ilaa shan askari wax ka badana aan la ogolaan doonin.

Wrakan kasoo baxay booliiska ayaa imaanaya xili shalay garoonka Aadan Cadde lagu celiyay in uu ka dhoofo guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka federaalka Cabdiweli Muudey oo doonayay in kursigiisa oo yaalla Baraawe mar kale u tartamo.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous article7 Haween ah oo maantay ku Tartami Doona Kursiga HOP053 Waana Kan ugu Adag oo Maantay Dhuusamareeb lagu Qaban Doono
Next articleKulane Jiis iyo Masuul Kale oo goordhow Dhuusanareeb lagu doortay(Sawiro)