Home Wararka Somaliya Galmudug Kulane Jiis iyo Masuul Kale oo goordhow Dhuusanareeb lagu doortay(Sawiro)

Kulane Jiis iyo Masuul Kale oo goordhow Dhuusanareeb lagu doortay(Sawiro)

0

Doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka ayaa maanta ka socota magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug, waxaana saakay halkaasi lagu doortay ilaa saddex Xildhibaan uu ku jiro Cabdiraxmana Cabdishakuur

Doorashada kursuga tirsigiisu yahay HOP#007 waxaana  ku guuleestay Guddoomiye kuxigeenka howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Faarax Cabdi Diini oo horey kursigaasi loogu xiray.

Kursigan oo tartankiisa laga saaray Xildhibaankii horey ugu fadhiyay ayaa waxaa ku tartamay musharax Farah Cabdi Diini iyo musharax Mohamed Cabdi Cali, waxaana loo tanaasulay kuna soo baxay doorashada Faarax Cabdi Diini oo gacan taag loogu codeeyay.

Waxaa sidoo kale doorasho goordhaw ka dhacday Dhuusomareeb kusoo baxay Cabdullaahi Aadan Kulane Jiis oo katirsan Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya, waxaana sargaalkan kusoo baxay doorasho aan lagula tartamin.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#040 ayaa waxaa kusoo baxay Cabdullaahi Aadan Kulane, waxaana u tanaasulay oo doorashada ka haray musharaxii uu soo watay Xasan Cabdi Jaamac.

Xildhibaanka sanadkan la doortay ayaa u badan saraakiil, iyo masuuliyiin kale oo dowlada katirsan, waxaana raga qaar Xildhibaano looga dhigay si ay u helaan xasaanad ugana bad baaday dambiyo ay ku galeen magaca dowlada.

Ad
Previous articleTaliska booliska Soomaaliya oo Cadeeyey Sababta C/wali muudeey Diyaarada looga Reebay
Next articleGalmudug oo noqotay Halka ugu Xiisaha Badan ee Doorashada Dalka ka Socota

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here