Home Wararka Somaliya Galmudug 7 Haween ah oo maantay ku Tartami Doona Kursiga HOP053 Waana Kan...

7 Haween ah oo maantay ku Tartami Doona Kursiga HOP053 Waana Kan ugu Adag oo Maantay Dhuusamareeb lagu Qaban Doono

0

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta ka dhacaya doorashada afar kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka, waxaana kuraastaasi intooda badan yihiin kuwa loo xiray musharaxiin gaar ah.

Kuraasta maanta lagu dooranayo magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa kamid ah labo kursi oo loo xiray musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdidshakuur Warsame iyo Cabdullaahi Kulane Jiis oo kamid ah saraakiisha NISA.

Doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusomareeb waxaa ugu adag kursiga tirsigiisu yahay Hop#053 oo ay ku tartamayaan ilaa 7-haween ah, waxaana kursigan uu yahay midka ugu adag ee lagu loolamayo.,

Kursigan ay ku tartamayaan haweenka badan ayaa dhawaan guddiga doorashada dib u dhigeen doorashadeeda, waxaana muran kaddib guddiga doorashada fasaxeen in kursigan ku tartamaan todobada haweeen ee isku diiwaan geliyay.

Halkan ka akhriso magcayada 7-da haween ee kursigan u sharaxan

1: Raysal Qorane Abshir

2: Xaajiyo Axmed Gaas

3: Ubax Cabdi Cali

4: SamSam Xassan Diiriye

5: Farxiyo Cabdullaahi Shiikhdoon

6: Hani Cabdi Gaas

7: Fahmo Caabi Guureeye

Ad
Previous articleDeg Deg C/Raxmaan Cabdishakuur oo ku Guulaystay Xildhibaan Golaha Shacabka oo Galmudug lagu Doortay
Next articleTaliska booliska Soomaaliya oo Cadeeyey Sababta C/wali muudeey Diyaarada looga Reebay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here