Home Wararka Maanta Tahriibayaal Soomaali ah oo dib loogu caliyay Wadanka Turkiga

Tahriibayaal Soomaali ah oo dib loogu caliyay Wadanka Turkiga

0

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Greece ayaa tahriibayaal Soomaali ah kusoo celiyay dalka Turkiga.

Tahriibayaashaan oo la socday labo doonyood oo si sharci darro ah ku galay dalka Greece ayaa waxaa saarnaa 31 qof. 14 kamid ah waxay ahaayeen rag, 14 dumar ah iyo saddex carruur ah.

Dowladda Greece ayaa gabi ahaanba diiday in dalkeeda ay galaan tahriibayaal Soomaali ah, iyadoo xustay in dowladda Giriiga ay dhowr jeer oo hore u xirtay tahriibayaal Soomaali ah.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa sii kordhayay qulqulka dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibayaasha ah, kuwaasi oo inta badan sii mara badda u dhaxeysa Turkiga iyo Greece.

Soomaalida ayaa marar badan la kulma dhibaatooyin kala duwan oo dhanka badda ah.

Soomaali badan ayaa xabsiyada Greece ku jira, kuwaas oo lagu helay iyagoo si sharci darro ah dalkaas ku galay.

Ad
Previous articleSawiro: Ciidan kasoo Goostay Ahlu-suna oo isku soo dhiibay Maamulka Galmudug
Next articleDowladda Konfur afrika oo ka hadashay War laga Qoray Muuska Soomaaliya laga dhoofiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here