Home Wararka Caalamka Dowladda Konfur afrika oo ka hadashay War laga Qoray Muuska Soomaaliya laga...

Dowladda Konfur afrika oo ka hadashay War laga Qoray Muuska Soomaaliya laga dhoofiyo

0
Dowladda Wadanka Koonfur Afrika ayaa cambaareysay warar been abuur ah oo ku saabsan in Moos Soomaaliya laga keenay oo ay ku jiraan nooc ka mid ah bakteeriyada loo yaqaan Helicobacter, la galiyay dalkaas, ka dib Markii Baraha Bulshada lagu faafiyay Warar sumcad dil u ah Soomaaliya dalagyada ka soo go’
Qoraal ay maanta soo saartay waaxda Beeraha iyo Dib u habeynta Dhulka iyo Horumarinta Reer Miyiga, ayaa lagu sheegay in aanay jirin Moos ka yimid Soomaaliya oo dhawaan lagasoo dajiyay dekedaha dalkaas.

“Waaxdu waxay sheegtay in Koonfur Afrika ay nidaamiso soo dejinta dhirta iyo wax-soo-saarka dhirta iyadoo la eegayo Xeerka Cayayaanka Beeraha, 1983 (Xeer No. 36 ee 1983) iyo xeerarkeeda la xidhiidha, kuwaas oo u baahan in badeecadaha la soo dejiyo lagu kormeero dekedaha ama, wixii laga shakiyana la galiyo karantiil,” ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay si joogto ah uga feejigan tahay la socodka cuntooyinka dalka soo gala, isla markaana badeecad kasta oo lagu tuhmo inay khatar ku tahay ama waxyeello u geysanayso macaamiisha ama dhulka aan la oggolaan doonin inay soo gasho jamhuuriyadda Koonfur Koonfiur Afrika.

Ad
Previous articleTahriibayaal Soomaali ah oo dib loogu caliyay Wadanka Turkiga
Next articleCiidamada dowladda oo Deegaan Cusub kala Wareegay Kooxda Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here