Home Wararka Maanta Tacadiyo ka dhashay Dagaaladii Bosaaso oo lasoo Bandhigay

Tacadiyo ka dhashay Dagaaladii Bosaaso oo lasoo Bandhigay

0

Xarunta Difaaca Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa war saxaafadeed ay soo saareen kaga hadlay xadgudbyo naf iyo maal leh oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari maalmhii ay ku dagaalamayeen ciidamada Puntland iyo kuwa PSF.

War kasoo baxay Xarunta Difaaca Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa lagu sheegay in ay diiwaan galiyeen xadgudubyo badan oo shacabka soo gaaray, waxa ayna xarunta dalbatay in la cadeeyo cida masuulka ka ah xadgudubyada ka dhacay Boosaaso.

Xarunta Difaaca Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaana ku baaqday in magdhaw nafeed iyo mid hantiyadeedba laga bixiyo dhibaatadii ka dhalatay dagaaladii cuslaa ee ka dhacay magaalada Boosaaso.

 

 

Ad
Previous articleShirkii Golaha Wadatashi Qaran oo Maalintii Labaad kasocda Magaalada Muqdisho
Next articleGudigii loo Xilsaaray Baaritaankii Afganbi Madaxtooyada oo Shaqadooda Bilaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here